876 Views

Shir laga yeeshay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Shir laga yeeshay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)  oo weli ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta shir guddoomiyay shirka amniga guud ee Galmudug oo ay ka qeyb galeen saraakiisha Hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga ee degaannada Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geliyaan dadaalada suggidda amniga iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post