765 Views

Waxaa saaka degan xaaladda guud ee magaalada muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa khilaaf hareeyay madaxda dalka

Waxaa saaka degan xaaladda guud ee magaalada muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa khilaaf hareeyay madaxda dalka
____________________________________________________________________________

 Arbaco:  December 29, 2021

Waxaa saaka degan xaaladda guud ee magaalada muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa khilaaf hareeyay madaxda dalka ugu sareeyso sida madaxweyne farmaajo Ra’iisul wasaare rooble.

Waxaana goobohoodii dib ugu laabtay sida aan xogta ku helnay ciidamadii labaxay badbaado qaran labo, kuwaa oo uu  dhexmaraya wadahadal xubno ka socday xafiiska R/w rooble waxaana lasheegay in cidamadaasi lagu qanciyay in aysan xabad ka ridin magaalada muqdisho.

Dhinaca kale waxaa maanta la filayaa in ay magaalada muqdisho ka dhacaan kulamo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhextaagan madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul wasaare rooble, waxaan gabal dhicii shalay soo gaaray muqdisho madaxda hirshabelle iyo Galmudug, waxaana la aaminsan yahay in wadahadal ka dhex furi doonan farmaajo iyo Rooble.

Ugu danbeeyntii xaaladda magaalada muqdisho ayaa ah mid degan, waxaana laga war sugayaa waan-waanta ay wadaan QoorQoor iyo Cali Guudlaawe.

Office Nairobi Kenya

Madaxweyne hore ee gobolka Oromada Alemayehu Atomsa
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post