1218 Views

Wararka SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Muqdisho

Wararka SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxay qarax la sheegay in uu ahaa Ismiidaan oo Maanta ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari NOH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana ay saarnaayeen rag hubeysan.

 

Qaraxa ka hor ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Gaariga ay Ciidamada rasaas ku rideen,kadib markii laga shakiyay, sidaasina uu ku qarxay.

 

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Gaariga, Askari ka tirsan Ciidamada Booliska iyo mid ka mid ah raggii saarnaa Gaariga oo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ay sheegeen in la toogtay halka mid kale oo la socday ay ciidamada ku raadjoogaan,kadib markii uu baxsaday.

 

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen qaraxaas,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Muqdisho iyo duleedkeeda,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya aysan weli qaraxaasi ka hadlin.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment