252 Views

Midowga Afrika oo war ka soo saaray rabshadihii ka dhashay dibad baxyadii ka dhacay Kenya

Midowga Afrika oo war ka soo saaray rabshadihii ka dhashay dibad baxyadii ka dhacay Kenya
____________________________________________________________________________

Nairobi | March 28, 2023 – Midowga Afrika ayaa ku baaqday in wada hadal la sameeyo ka dib mudaaharaadyadii mucaaradka ee ka dhacay Kenya oo isku bedelay rabshado ayna ku dhinteen saddex qof tan iyo todobaadkii hore.

Hogaamiyaha mucaaradka Mr Odinga ayaa ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah sare u kaca qiimaha maciishadda iyo caddaalad darro ay mucaaradku ka tabanayaan doorashadii dhacday sanadkii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku booriyay “inay daneeyayaasha is dajiyaan oo ay wada hadal la galaan si wax looga qabto wixii khilaaf ah”.

Waxa uu sheegay in qaabkii ay doorashadu u dhacday sanadkii hore ay ku soo dhamaatay si guul ah, islamarkaana natiijada ay xaqiijisay maxkamada sare ee dalka.

“Gudoomiyuhu waxa uu ku celinayaa wada shaqaynta iyo garab istaaga dawlada iyo shacabka Kenya dadaalka ay ugu jiraan ka shaqaynta midnimada qaranka, nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hogaamiyayaasha diinta ee Kenya ayaa sidoo kale ku baaqay wadahadal shuruud la’aan ah oo dhexmara madaxweyne William Ruto iyo Mr Odinga.

_________________________________________________________________

Sources: BBC Somali News

__________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post