537 Views

Shah Rukh Khan oo loogu dhaganyahay haweenay caan ahayd oo dhimatay oo uu Quran ku tufay

Shah Rukh Khan oo loogu dhaganyahay haweenay caan ahayd oo dhimatay oo uu Quran ku tufay
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Fanaanada Bollywoodka Lata Mangeshkar, ayaa aaskeeda waxa lagu qabtay beerta Shivaji ee magaalada Mumbai 6-dii Febraayo 2022.

Aaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay jilaayaal badan oo caan ah oo uu ku jiro jilaaga weyn ee Bollywood Shah Rukh Khan. Fanaaniinta iyo jilayaasha ka soo ka qaybgalay aaska ayaa isugu jiray Masixiiyiin, Hindu iyo Muslimiin kuwaas oo u ducaynayay haweenayda dhimatay.

Markii la gaaray xilligii uu Shahrukh Khan u ducayn lahaa maydka Lata Mangeshkar, waxa uu ku aqriyay duco oo uu ku dul afuufay jirkeeda.

Balse jilaaga ayaa isla markiiba ficilkiisa waxaa loo badelay inuu aflaagdaynayo ama u gafayo fanaannada geeriyootay taasi oo hadallo badan oo Islaam nacayb ah ka abuurtay baraha bulshada.

Dadkaasi ayaa ku andacoonaya in Shahrukh Khan uu si dhab ah ugu tufay jirkeeda canduf ayna xushmad darro ku tahay Lata Mangeshkar.

Muslimiin badan oo isticmaala baraha bulshadaah ayaa taageero weyn u muujiyay jilaaga iyagoo sheegaya in qofka lagu tufo ay tahay wax caadi ah marka la eego dhanka diinta Islaamka.

“Islaam nacaybka sii kordhaya ayaan xitaa ka tagin jilaaga caanka ah ee Bollywoodka inuu si cad ugu dhaqmo diintiisa.” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii jilaaga taageerayay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post