1134 Views

Magacyadda Mas’uuliyiinta lagu dilay Qaraxa Shabeellaha Dhexe

Magacyadda Mas’uuliyiinta lagu dilay Qaraxa Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Saaka Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Shabeellaha Dhexe lagula eegtay duleedka Magaalada Balcad xilli ay kusii jeedeen Magaalada Jowhar.

 

Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa oo ahaa Miinadda Nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Qaraxa ku dhintay ay ka mid yihiin  Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment