1170 Views

Puntland oo Shaqada ka ruqseysay Shaqaale Caafimaad

Puntland oo Shaqada ka ruqseysay Shaqaale Caafimaad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka puntland ayaa Shaqadii ka ruqseysay 37 ka mid ah Shaqaalihii ka howlgeli jiray Isbitaalka guud ee Magalada Garoowe,kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar.

 

Shaqaalahaan ayaa kala ahaa Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyeyaal mudo dhowr sano ah ka mid ahaa Shaqaalaha Isbitaalka garoowe,waxaana Maamulka isbitaalka ay sheegeen in dadkaan la ruqseeyay ay ahaayeen kuwa dayacay Shaqadii loo igmaday,isla markaana mushaar iska qaadan jiray.

Tallaabadaan Shaqaalaha lagu ruqseeyay ayaa ka dambeeysay kadib markii dhawaan Wasaaradda Caafimaadka Puntland uu la wareegay wasiir Cuusb,kaas oo sheegay in Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Magaalada Garoowe lagu sameyn doono dib u habeyn ballaaran.

 

Horay ayaa waxaa u jirtay in Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka puntland uu Shaqadii ka ceriyey Agaasimihii iyo Agaasime ku xigeenkii Isbitaalka,kadib cabasho ay u gudbiyeen qaar ka mid ah Shacabka Magalada Garoowe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment