1236 Views

Norway shan qof oo lagu dilay weerrar qaanso iyo falaar loo adeegsaday

Norway shan qof oo lagu dilay weerrar qaanso iyo falaar loo adeegsaday
____________________________________________________________________________


khamiis: October 14, 2021

Booliska ayaa abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay waddanka Denmark oo 37-jir ah ayaa loo xiray tuhun ah inuu weerrarka fuliyay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in wararka dhacdadaas ay ahaayeen “kuwo argagax leh”.

“Waxaan fahansanahay in dad badan ay cabsanayaan, hasayeeshee waxaa muhiim ah inaan adkeeyo in boolisku ay haatan howsha gacanta ku hayaan,” ayey ka sheegtay shir jaraa’id, sida ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerrarka gaystay ayaa la sheegay in weerrarka uu ka fuliyay suuqyaraha Coop Extra ee dhaca galbeedka magaalada Kongsberg. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah askari boolis ah oo fasax ku jiray kaas oo waqtiaas dukaanka ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay suuqyarahaasi ayaa markii dabme xaqiijiyay in “fal halis ah” uu ka dhacay halkaasi, waxa uuna intaasi ku daray in shaqaalahoodu aanay wax dhibaato jireed ah soo gaarin.

Waxaa jira warar sheegaya in booliska iyo qofka weerrarka soo qaaday ay isfarasaareen ka hor inta aanan ugu dambayntii la qaban 18:47 ee waqtiga maxalliga ah.

Qof goobjooge ahaa ayaa TV2 u sheegay in ay maqashay qaylo iyo buuq ayna aragtay haween isqarinaysa, kaddib waxaan arkay “nin dhinac la taagan fallaaro dhabarka ugu jira iyo qaanso uu gacanta ku watay”, sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

“Markaas kaddib waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya. Midkood waxa ay aheyd haweeney gacanta haysata canug yar,” ayey ku dartay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya haddii qofka weerrarka soo qaaday uu hub kale isticmaalay inta uu weerrarka socday, Chief Aas ayaa sidaasi ku warramay.

Qofka laga shakisan yahay ayaa waxa uu maray dhul ballaaran, mas’uuliyiintuna waxa ay xireen dhowr qeyb oo magaaladaasi ah. Dadka deegaanka ayaa waxaa lagu amray in aanay guryaha ka soo bixin si mas’uuliyiinta ay u baaraan goobta caddaymahana ay u uruursadaan.

\

Qofka laga shakisan yahay ayaa waxaa la geeyay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Drammen.

Tobannaan gawaariga gurmadka degdega ah ayaa la geeyay goobta, oo ay ku jiraan ambalaasyo, gawaarida booliska iyo xitaa diyaaradaha qummaatiga u kaca.

Wasiirka Cadaaladda ee Norway Monica Maeland ayaa sheegtay in la soo gaarsiiyay waxa ay dhacay si dhawna ay xaaladda ula socon doonto, waxaa sidaasi lagu shaaciyay farriin wasaaradda ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Madaxa booliska ee dalkaasi ayaa amray dhammaan askarta booliska inay hubka qaataan si taxadar dheeraad ah loo sameeyo. Caadiyan booliska dalkaasi ayaanan hubaysnayn.

“Booliska illaa hadda ma hayaan in wax laga badalay heerka halista qaranka,” taliska booliska ayaa sidaasi ku sheegay bayan uu soo saaray (oo ku qornaa afka Norwegian-ka).

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post