3012 Views

Xiisad maanta ka taagan degmada Caabudwaaq

Xiisad maanta ka taagan degmada Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 23, 2016: Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegaya in xiisad ay halkaas ka jirto, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhex mara maleeshiyaad ka soo jeeda degmadaas.

Waxaa la sheegayaa in ilaa afar ruux shalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Caabudwaaq, waxaana dillkooda uu salka ku hayaa aanooyin iyo arriman Qabiil

Ganacsiga qaar ayaa la sheegayaa in uu xiranyahay waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaa in mar kasta uu dhaco dagaal, maadaama labada dhinac ee xiisada u dhaxeysa ay wadaan hub uruursi aad u xoogann.

Maamulka deegaanka ayaa ku baaqay in xiisada ka taagan degmada la soo fara geliyo, inta aanay dhibaatadu badan, waxaana la dareemayaa abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan labadi maleeshiyo ee shalay dad iska dilay

Caabudwaaq ayaa waxaa horay uga dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana horay uga dhacay dagaal ka dhashay gacan ku heynta deegaanka oo dhex maray Galmudug iyo Ahlusuna, kaas imminka la soo dhaafay. Dagaalkaan waa mid kale oo ka duwan kii hore.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment