1074 Views

“Xukuumadda waxa ay ku fashilantay qabashada Doorasho Dadweyne” Guddoomiye Mursal .

“Xukuumadda waxa ay ku fashilantay qabashada Doorasho Dadweyne” Guddoomiye Mursal .
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020–Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shaqeeyaan Xildhibaannada ayaa sheegay in Mooshinka ay gudbiyeen Mudanayaal katirsan Golaha Shacabka.

Waxyaabaha uu Ra’iisul Wasaare Khayre ku eedeysan yahay ee loo cuksaday Mooshinka ka dhanka ah waxaa kamid ah:

1-Diyaarin la’aanta Doorasho Dadweyne oo ay horay u ballanqaaday Xukuumadda In ay dalka ka sameyneyso.

2-Afti u qaadista qabyo qoraalka doorashada oo laga talo gelinayo xubnaha dastuurka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

3-In Xukuumadda ay ku fashilantay diyaarinta Ciidamada ammaanka Doorashada suga si nabadgalyo u qabsoonto.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 170-Xildhibaan ayaa ogol ugu codeeen, halka ay diideen 8-Mudane, isla markaana ma jirin Xildhibaan ka aamusay sida uu sheegay Afhayeenka Golaha Shacabka.

Mursal ayaa Madaxweynaha DFS faray in si degdeg ah oo waafaqsan Dastuurka dalka uu usoo magacaabo Ra’iisul Wasaare badala Xasan Cali Khayre oo kalsoonida ay kala laabteen Xilldhibaannada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post