1032 Views

Wasaaradda Waxbarashada oo farriin u dirtay Ardayda Beri galeysa Imtixaanka

Wasaaradda Waxbarashada oo farriin u dirtay Ardayda Beri galeysa Imtixaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 26, 2019–Maalinta bari ah oo ku beegan 27-ka Maajo, 2019 waxaa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa kulan wacyigilin ah u sameyay qaar kamid ah ardayda fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa Waxaa ka qeyb galay lataliyaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada uu u dhageysan lahaa Su’aalo weydiinta ardayda ee ku aadan imtixaanka sanad dugsiyeedka kaas oo dhici doona 27bishan oo ah maalinta bari oo isniin ah.

Lataliyaha sare ee wasaaradda waxbarshada Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa ardayda kala hadlay imtixaanka iyo ardayga ku guuleesta qiimaha uu leeyahay iyo wax yaabaha ka reeban ardayga imtixaanka galaaya sida qishka moobilada oo fasalka lala galo hadalka badan iyo ardaydu in ay ka soo dib maraan xiligii loogu tala galay in imtixaanku biloowdo.

Qaar ka mid ah Ardayda fasalkaa 4-aad ee dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho oo ay ku jiraan arday araga la’ ayaa wasiir ku xigeenka weydiiyay Su’aalo ku aadan imtixaanka iyo halka uu ka dhacayo iyo gaadiidkii ay ardaydu ku tagi lahaayeen goobaha uu imtixaanku ka dhacaayo.

Mudane Feysal Cumar Guuled ayaa ardayda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay dhamaan goobihii lagu gali lahaa imtixaanaadka sanad dugsiyeedka islamarkana aysan dhici doonin in arday wadada laga xiro.

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada mudane Fersal Cumar Guuleed ayaa ardayda kula dar daarmay in maalinta bari ah 27bishan oo ku began isniinta in arday walbo u diyaara garoobo imtixaanka islamarkaan uu xaadir ku ahaado goobaha loogu talagay in uu imtixaanka ka dhaco.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment