912 Views

Kooxda Arsenal oo guuldarro ku billowday horyaalka Ingiriiska kulankii Xalay

Kooxda Arsenal oo guuldarro ku billowday horyaalka Ingiriiska kulankii Xalay
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa si xamaasad leh ku billowday Jimcihii, iyadoo kooxda Brentford ay cayaartay kulankoodii ugu horreeyay ee horyaalka muddo 74 sanadood ah, kaddib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Arsenal ciyaartii ka dhacday garoonkeeda cusub.


Sergi Canos iyo Christian Norgaard ayaa Brentford u kala dhaliyay labada gool, waxaana guushan ku farxay taageereyaasha kooxdan, iyadoo ay guushan aheyd mid ay u qalantay kooxda Brentford.

Arsenal waxaa ka maqna labadeeda weeraryahan ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Taageereyaasha Arsenal ayaa ka niyadjabay guuldarradan, waxaana baraha bulshada lagu arkayay iyagoo ku baaqaya in la eryo tababare Mikel Arteta.

“Aad ayaan uga niyadjabnay qaabka aan ku billownay xilli ciyaareedkan. Runtii waxaan laheyn rajo sare, mana aynaan helin natiijadii aan rabnay” ayuu Arteta u sheegay boggaa kooxda Arsenal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post