312 Views

Dowladda Kenya oo qabatay dad la tahriibinaayay

Dowladda Kenya oo qabatay dad la tahriibinaayay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Sideed iyo toban kamid ah dadka dhibaato looggu geystay tahriibinta, ayaa la soo badbaadiyay, iyagoo ku sii socda meel ku taal Gacanka halkaas, oo la doonayay in lagu iibiyo sidii adoon ahaan, sida uu sheegay aggaasinka Danbi-baarista ee Kenya.

Weerar ay fiidnimadii Talaadada fuliyeen baarayaal ka tirsan waaxda dambiyada abaabulan, ayaa dhibanayaasha laga helay guri ku yaalla Athi River, oo ku yaalla duleedka caasimada Kenya ee magaalada Nairobi.

Ciidamada dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex eedeysane oo kala ah: Cabdullaahi Xuseen Maxamed, Xasan Ibraahim Godana iyo Chari Dulacha.

Waxay ku xiran yihiin saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Nairobi, iyagoo sugaya in maxkamad la soo taago.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay maalin un ka dib markii gabadh kale oo Keenyaan ah, 24 jir ah, Diana Chepkemoi, ay dib ugu soo laabatay dalka Kenya, kadib markii ay kala kulantay arxan darro ay dadkii ay u shaqeyneysay ee Sacuudiyaanka ahaa.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, Ambassador Macharia Kamau, ayaa sheegay in caqabad ay ka haysato dalka Kenya, dibad u dirista shaqaale, gaar ahaan dalka Sucuudiga qeybta shaqada, ee la xiriirta guryaha.

“Waxaan u sheegnay Keenyaanka si isdaba joog ah inay joojiyaan u tagista shaqada shaqaalaha guryaha dalka Sacuudiga. Haddii taasi lasii wado, qofka ayaa doortay inaanu raacin tallooyinka lasoo gudbiyey.” ayuu yiri mar kale Macharia Kamau.

Office Nairobi kenyya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post