825 Views

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale Shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo Shirkii lagu waddo in dhawaan ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in go’aankaste oo lagu gaaro Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo dib ugu soo celin doona xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in uu ilaalin doono Sharcigii doorashooyinka ee ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Farmaajo ayaan ka hadlay in baarlamaanka Soomaaliya ay u sameeyaan muddo kordhin xilliga uu soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

 “Waxaa idin caddeynnaya heshiis walba inaan halkan ku soo celiyo heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada, si kaalintiina dastuuriga ah aad uga gaartaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post