510 Views

Amb, Safiina” Waxaan rajo ka qabnaa in si deg deg ah loo dhameeyo doorashada Golaha Shacabka”

Amb, Safiina” Waxaan rajo ka qabnaa in si deg deg ah loo dhameeyo doorashada Golaha Shacabka”
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay u socdaan sidii loogu talo galay, isla markaana Maalinta berito ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi ee Golaha Shacabka.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Dugsiga tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye oo Maanta lagu qabtay doorashada Afar Kursi ayaa sheegay in si dardar leh ay ku socota doorashada ayna rajo ka qabaan in jadwalkii doorashada loo asteeyay ee 25-ka Bishaan in lagu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Wuxuu u hambalyeeyay  guddiyada doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulada ee doorashooyinka Golaha Shacabka qabtay kuwo kalena iclaamiyay, wuxuuna guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleedyada uu ugu baaqay inay si deg deg ah ku shaaciyaan jadwalka doorashooyinka Golaha Shacabka ee degaannadooda lagu qabanayo.

Ugu dambeyn Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku baaqay in la iaaliyo Qoondada Haweenka, isla markaana Beeshii Saddex kursi leh mid kamid ah Haween laga dhigo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post