1533 Views

Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya

Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7da Maarso, 2021:Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo muddo bil ah howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee Garoonka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Jubbaland isagoona faray hay’adaha samafalka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post