1629 Views

Madaxweynaha HirShabeelle oo la kulmay madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha  HirShabeelle  oo la   kulmay madaxweynihii hore ee  Shariif Sheekh Axmed
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15, 2021

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka qabsoomay Hotel Airport ee ku yaala xayndaabka Xalane ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo xiisadaha kasoo cusboonanaya deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Inta uu socday kulanka ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee dalka uga mahad-celiyey Guudlaawe doorkii uu ka qaatay heshiiskii doorashada ee kal hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku amaanay kaalinta uu ka ciyaaray heshiiska doorashada, taasi oo dalka u jiheysay dhankaa iyo doorasho, islamarkaana ka bad-baadisay jahwareer siyaasadeed iyo mid amni.

Ad by Valueimpression

Si kastaba, Kulanka maanta uu Guudlaawe la qaatay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif ayaa imanaya xili uu maalmihii dambe ee uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista tabashada reer Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post