852 Views

Kenya oo xaqiijiyay in labo geri ay koronto dishay kaddib markii ay taabteen fiilooyin dab wada oo heer hoose jooga.

Kenya oo xaqiijiyay  in labo geri ay koronto dishay kaddib markii ay taabteen fiilooyin dab wada oo heer hoose jooga.
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay warar sheegaya in labo geri ay koronto ku dishay kaddib markii ay taabteen fiilooyin dab wada oo heer hoose jooga.

Xayawaannadan ayaa ku naf waayay xerada xayawaanka lagu xannaaneeyo ee Soyasanbu.

Gerigan oo noocoodu yahay Rothschild ayaa ah kuwa halista ugu badan ugu jira in ay dabar go’aan. Dhowr boqol oo kaliya dunida oo dhan ka jooga geriga noocan ah.

Laanta ilaalada duur joogta ee Kenya (KWS) ayaa ka fal celisay Twitter ay sawirrada labada geri ee korontadu dishay soo gelisay Paula Kahumbu.

Ms Kahumbu ayaa sheegtay in dhimashada labada xayawaankaas laga hortagi karay haddii talada khubarada la raaci lahaa.

Saraakiisha KWS ayaa sheegay in mas’uuliyiinta shirkadda korontada ee ay dowladdu leedahay ay ballan qaadeen in ay baddali doonaan fiilooyinkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post