903 Views

Qatarta Coronavirus ee ku wajahan Afrika oo laga dayriyay. By WMA -19th April 20200

Qatarta Coronavirus ee ku wajahan Afrika oo laga dayriyay. By WMA -19th April 20200
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–In ka badan 300,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay Coronavirus ugu dhintaan dalalka Africa sababtoo ah diyaargarow la’aanta dowladaha iyo adeegyada caafimaadka oo liita ayaa sii murjiyay Xaallada sida ay qabaan quburada Caalimiga ah.

 

Warbixin cusub oo uu soo saarey gudiga dhaqaalaha Africa “Economic Commission for Africa  ECA ayaa lagu sheegay in qaaradda dadkeeda ay u badan yihiin sabool u nugul cudurada saf-marka ah aduunku la tacaalayo.

 

 

 

Tira-koob ay si wadajir ah u sameeyeen John Hopkins University iyo xarunta xakameynta cudurada ee Africa “Africa Center for Disease Control” waxaa lagu soo bandhigay in ku dhawaad 20,000 oo qof uu ku dhacay Covid-19 gudaha Africa.

 

War-bixinta ayaa lagu sheegay in 1,050 oo kamida bukaanada uu soo ritay cudurka ay u geeriyoodeen, iyadoo ku dhawaad 5,000 ruux ay kasoo bogsadeen, waxaana la saadaaliyay hoos u dhac 1.8% in uu ku imaan doono kiisaska Coronavirus Africa mudooyinka soo aadan.

 

Laakiin, saameynta dhinaca dhaqaalaha ee uu sababayo Covid-19 ayaa noqonaysa mid baaxad leh, waxaana sabool-tinimo soo wajahi doontaa 27 million oo ku nool Africa, sida lagu shaaciyay warbixinta ay soo saareen John Hopkins University iyo Africa Center for Disease Control .

 

 

 

Dalalka sida aadka ah u sameeyay Coronavirus waxaa kamida Egypt, Algeria, Morocco iyo South Africa, oo dad badan oo ku dilay caabuqa, iyadoo ay hogaamiyeyaasha qaaradda qaarkood uga faa’idaysanaya musiibada inay xukunka ku dheereystaan.

 

Hay’adda WHO ayaa walaac ka muujisay xaaladda Africa iyo khatarta Coronavirus-ka ee soo wajahday xilligan, iyadoo aan haysan dalalka qaarkood qalabka cudurka lagu baaro iyo mashiinada neefta siiya bukaanada sambabadooda howlgabka noqday.

 

Waxay WHO dalbatay $100 billion si wax looga qabto caabuqa Coronavirus, gaar ahaan Africa.

 

Bariga Africa, wadanka Jabuuti ayaa hogaaminaya dalalka dadka ugu badan uu ku dhacay Covid-19, iyadoo gaartay 700 in ka badan.

 

Kenya ayaa laga diiwaan geliyay 254 kiis iyo 10 dhimasho ah sida ku xusan Warbixinta ay soo saareen jaamacadda Fadhigeedu yahay Maraykanka iyo xarunta xakameynta cudurada ee Africa.

 

Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa laga diiwaan galiyay koror dhanka kiisas ah taas oo murjinaysa Xalada Caafimaad ee dalkaan dagaaladu daashadeen.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Coronavirus.

 

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay diiwaan galisay 82,329 kiis oo la xaqiijiyey in uu ku dhacay cudurka coronavirus, waxa uuna kor u dhaafeen Iran oo dariska la ah markii ugu horreysay diiwaangalisay tirada ugu badan ee cudurrada marka loo eego Bariga Dhexe.

 

Iiraan ayaa qayb ahaan dib u furtay caasimadeeda, Tehraan, taas oo u oggolaanaysa “in la sameeyo taxadar dheeraad ah”, waxaana la fasaxay dukaamada, warshadaha iyo bakhaarada in ay dib u bilaabaan howlahooda. Laakiin Algeria, Morocco, Croatia iyo Spain ayaa sii kordhiyay bandowga, halka Uzbekistan ay sii dheereeysay tallaabooyinka kala fogaynta bulshada.

 

 

 

Madaxii xafiiska madaxweynaha Nigeria waxa uu u dhintey COVID-19,Abba Kyari’s wuxuu ahaa masuulkii ugu sareyay dalka Galbeedka Afrika.

 

Caalamka, in ka badan 2.3 milyan oo qof ayaa cudurka qaaday in kabadan 159,000 oo qofna way dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen jaamacadda Johns Hopkins.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment