873 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay billaabayaan doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay billaabayaan doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

khamiis: October 21, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u hambalyeeyay  dhamaan xubnaha Cusub ee ah kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay  talaabo kale oo ku dhiiri galinaysa inay sii wadaan shaqooyinka kale ee horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah.

“Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu dhameystiro doorashada labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post