951 Views

Puntland oo sheegtay inay qabteen dad waday falal Amnidarro

Puntland oo sheegtay inay qabteen dad waday falal Amnidarro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2019 —Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgallo ay ciidamadu saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magalada Boosaaso.

 

Howlgallada oo ahaa mid ammaanka lagu sugayay ayaa Saraakiisha Ciidamada Booliska ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dad falal amni darro ka waday Xaafadaha Magalada Booosaaso iyo degaannada ku dhow dhow.

 

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayaa sheegay in  holwgalladii ugu damnbeeyay ay Ciidamadu kusoo qabteen tiro dhalinyaro ah,kuwaas oo xilliyada habeenkii dadka Mobeelada ka dhacayay.

 

Waxaa uu sheegay in sidoo kale in howlgallada ay yihiin kuow eli si caadi ah u socday,waxana uu sheegay in deegaano ka baxsan Magalada Boosaaso oo dad lagu tuhmayo ay howlgallo ka fulin doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga.

 

Hadalka taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa kusoo aadayaa xilli dadka ku nool Xaafadaha qaar ee Magalada Boosaaso ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo habeenkii dhac u geysanaya, iyada oo sidoo kale qaarxyo Miino ay dhowr jeer ka dhaceen Magalada Boosaaso

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment