204 Views

Xildhibaan Saadaq Saadaq Joon oo dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga

Xildhibaan Saadaq Saadaq Joon  oo   dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga
____________________________________________________________________________

.

Isniin: DECEMBER 26, 2022

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka hadlay kulankii labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga.

Xildhibaanada labada aqal oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ka dooday miisaaniyadda, waxayna xildhibaanadu ka aragti dhiibanayeen dul-duleelada odorkaan miisaaniyadeed sanadka 2023-ka.

Xildhibaan Saadaq Joon ayaa soo jeediyey in hey’adaha ammaanka miisaaniyadda loo wada kordhiyo, isagoo dhaliilay sababta looga tegay oo miisaaniyadda aan loogu kordhin sanadkaan wasaaradaha amniga iyo cadaaladda.

“Sababta looga soo tegay wasaaradda amniga waxaan u maleynaa wasiirkii ayaa dhaawac ah, marka waxaan aragnaa in wax miisaaniyad ah aan loo kordhin hey’adihii amniga iyo cadaaladda, taasna sax maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

https://bc4ce8d0ee5587615e724cbbdd3eb97e.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Sidoo kale xildhibaanka ayaa codsaday in miisaaniyadaan dib loo celiyo oo lagu soo daro wasaaradaha amniga iyo cadaaladda oo ay kala hoos tagaan ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post