1848 Views

Duqa Muqdisho ”Qofkii soo wareejin waaya jardiinooyinka awood ayaan u adeegsan doonaa”

Duqa Muqdisho ”Qofkii soo wareejin waaya jardiinooyinka awood ayaan u adeegsan doonaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa markale waxa uu ka hadlay sida laga yeelayo darjiinooyinka uu horay Maamulka gobolka Banaadir amarada uga soo saaray in lagu soo wareejiyo balse aan dhaqan gelin.

Eng, Yariisow ayaa sheegay in waqtigii Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu qabtay Ganacsatada inay ku soo wareejiyaan jardiinooyinka uu dhamaaday,isa markaana tallaabo ay qaadayaan.

“Waxaan rabnaa in Qof walba oo Soomaaliyeed oo heysta Dhulka danta Guud inuu soo wareejiyo,goobihii darjiinooyinka waqtigii aan u qabanay waa la soo dhaafay,hadda waxaan wadnaa qorsho ah dadka si dowladnima ah u wareejiya aan ka qaadno kuwii diidana aan xoog u adeegsano ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Saddexdii Bishii la soo dhaafay ee July ayaa Wareegto uu soo saray duqa Muqdisho waxa uu baabi’iyey heshiisyadii lagu bixiyey darjiinoyinka,isaga oo u qabtay mudo 30 Maalmood ah inay ku soo wareejiyaan balse aan dhaqan gelin.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment