765 Views

DEG-DEG:-Ciidamada Dowladda oo howlgal kula wareegay degaano Cusub

DEG-DEG:-Ciidamada Dowladda oo howlgal kula wareegay degaano Cusub
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada Al-Shabaab ku sugnaayeen balse la sheegay inay isaga baxeen.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysa ayaa waxa ay sheegeen in Xubnihii Al-Shabaab ee isaga baxay degaanka Warxoolo ay gaareen Deegaanka Wabxo oo Dhowr iyo toban KM u jira Deegaankaas.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa u sheegay in ay kala Shaqeeyaan sugida Amniga si ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada kale.

Howlhalkan ayay sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post