594 Views

Madaxweynaha Imaaraadka oo amar kasoo saaray Lacagtii ay Soomaaliya u fasaxday maanta

Madaxweynaha Imaaraadka oo amar kasoo saaray Lacagtii ay Soomaaliya u fasaxday  maanta
____________________________________________________________________________

 Khamiis: May 19, 2022

Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixiyey in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo lacag dhan $9.5 Milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Soomaaliya, sida ay shaaciyeed warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aanka Madaxweyne Maxamed bin Zayed ayaa yimid saacado kaddib markoo Xukuumadda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaas in dib loogu celiyo Imaaraadka.

Sanadkii 2018-kii ayay lacagtan qabteen hay’adaha a,niga ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, ilaa xilligaasna waxaa lagu hayay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post