213 Views

Madaxweynaha Somalilandi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta

Madaxweynaha Somalilandi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 17, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta ayaa ka hadlay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, taas oo ay hadda isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socdo ee dhowaan bilaabanaya 2023 uu Somaliland u noqon doono sanad doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay tartanka ururada iyo arrinta diiwaan-gelinta oo bilaabaneyso 28-ka ka bishaan, kuna eg illa 28-ka bisha January.

“Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diraygobollada aan horay isku diiwaan-gelin, isaga oo ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada, ayna qaataan kaarka cod-bixinta.

“Gobollada aan horay isku diiwaan-gelin, sababo jira aawgood ayagana waxaan ugu baaqayaa inay isdiiwaan-geliyaan.” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu baaq u diray siyaasiyiinta, isaga oo ka dalbaday inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post