393 Views

Khasaare ka dhashay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar

Khasaare ka dhashay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Dhaaygawaan oo hoos timaada degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaar oo dhaliyay khasaare.

Gaari nuuca loo yaqaan Cabdi-bile oo si xawaare ah ku socday uu ku rogmaday keliga ama meel biyo galeen ah, halkaasi oo ay geeriyoodeen afar askari oo saarneyd gaariga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gaariga iyo Askarta ay ahaayeen ilaalada Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdulle Nuur.

Shilalka Gawaarida ayaa maalmahan ku soo badanaya dalka, taasi oo ay sabab u tahay Darawalada oo aan si tartiib ah u wadan Gawaarida iyo jidadka oo burbursan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post