363 Views

Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Oromiya oo dilay tobanaan qof waxayna gubeen oo ay xattooyo ka gaysteen guryo ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Oromiya

Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Oromiya  oo  dilay tobanaan qof waxayna gubeen oo ay xattooyo ka gaysteen guryo ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Oromiya
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

Xubno ka tirsan maleeshiyaadka qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ayaa dilay tobanaan qof waxayna gubeen oo ay xattooyo ka gaysteen guryo ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Oromiya sida ay dad weerarka ka badbaaday sheegeen.

Maamulka gobolka ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) in ay ka dambeysay weerarka, oo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay.

“Kooxda weerarka qaaday ayaa ka soo weeraray… saddex jiho iyaga oo adeegsanaya rasaas, waxayna sii wadeen weerarradooda ilaa 2:00 duhurnimo,” sidaasina waxaa AFP u sheegay mid ka mid ah dadkii badbaaday oo ka cararay Agamsa.

Qof kale oo isna dadka badbaaday ka mid ah ayaa sheegay in kooxda weerarka qaadday ay dhac u gaysteen lo’ ayna dileen dad ka badan 100 qof.

Labaduba waxa ay sheegeen in dableydu ay ka tirsanaayeen maleeshiyaad fadhigoodu yahay gobolka dariska ah ee Amhara.

Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) oo ay Addis Ababa u aqoonsan tahay urur argagixiso ayaa sheegtay in maleeshiyada Fano ee Amxaarada ay soo abaabuleen weerarka ayna deegaanka Agamsa ku dileen ugu yaraan 62 qof.

Maamulka gobolka Oromada ayaa ku eedeeyey weerarka OLA oo ay ugu magac dareen Shane.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post