261 Views

Israa’iil oo weerar cirka ah ku qaaday wershed ku taalla badhtamaha Iran

Israa’iil oo weerar cirka ah ku qaaday wershed ku taalla badhtamaha Iran
____________________________________________________________________________


Isniin: January 30, 2023

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in la rumaysan yahay in Israa’iil ay ka dambaysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo habeen hore lagu qaaday warshad milateri oo ku taalla gudaha dalka Iran.

Iran ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo duqaymo ka geystey meel u dhow magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalkaasi, waxayna sheegtay in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Illaa haatan si madax-banaan looma xagiijin karo inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, hase ahaatee warbaahinta dawladda Iran ayaa baahisay muuqaal muujinaya, walax iftiimaysa oo cirka ka soo dhacaysa iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo goobtaas ku sugan.

Afhayeen u hadlay milateriga Israa’iil ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo weerarkan.

Israa’iil ayaa u aragta dalka Iran inuu yahay cadawga ugu weyn, waxayna marar kala duwan ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay weeraraan bartilmaameedyo ku yaalla Iran haddii diblomaasiyaddu ku guuldaraysato inay joojiso horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka sarreeye guuto Patrick Ryder ayaa sheegay inaanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lahaa duqaymaha ka dhacay dalka Iran, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faallo intaas ka badan.

Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal oo soo xiganaya ilo aanu magcaabin oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay bidhaamiyey in Israa’iil ay ku lug lahayd weerarkaas.

Sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay sarkaal kale oo Maraykan ah oo magaciisa qariyey inay u badan tahay in weerarkaasi uu yahay mid ay fulisay Israa’iil.

Tehran, si rasmi ah cid uguma eedayn weerarkaas, hase ahaatee wasiirka arrimaha debedda ayaa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo looga dan leeyahay in amni darro looga abuuro Iran.

Reuters

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post