954 Views

Ciidanka dowladda oo shacabka uu diiday in ay gaaraan taalada dalka jirka

Ciidanka dowladda oo shacabka uu diiday in ay gaaraan taalada dalka jirka
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 19 2021–
Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan xiray wadooyinka ugu muhiimsan ee Muqdisho, waxaana sidoo kale ay joojiyeen dhammaan isku socodka dadweynaha ee Wadooyinka.

Shacab aan tiro yareyn ayaa taagan hareeraha Wadooyinka, waxaana ay sheegeen in laga hortaagan yahay in ay u soo gudbaan dalka jirka Dahsoon oo maanta uu ka jiro banaanbax weyn.

Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in maanta xoog lagu baajiyo banaanbixii ay ku baaqeen loona baahan yahay in shacabka loo furo wadooyinka.

Ciidanka dowladda ayaa xirtay dhammaan wadooyinka soo gala taallada daljirka Dahsoon.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post