1407 Views

Rag weeraray Saldhiga Baladweyne oo la baadi goobayo

Rag weeraray Saldhiga Baladweyne oo la baadi goobayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Barqanimadii shalay ayaa rag hubeysan oo tiradooda lagu sheegay ilaa laba waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne,xilligaas oo uu Saxaafada warbixin siinayay taliya qeybta Booliska Hiiraan,taas oo ku saabsan amaro dhinaca Amniga ah.

Laba Nin ayaa la sheegay inay Saldhiga weerareen,kuwaas oo doonayay inay si awood ah ula baxaan Nin saldhiga ku xirnaa,kaas oo Nin kale kusoo dilay degmada Matabaan ee Gobolkaas,hayeeshee labada nin mid ka mid ah la qabtay ,isaga oo dhaawac ah halka midka kale weli baadi goobayo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwo la dhashay Nin lagu dilay degmada Matabaan,isla markaana dilkiisa ay uu ka dambeeyay Nin Saldhiga ku xiran.

Bilaawgii sanadkii 2018 ayay aheyd markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Baladweyne,kadib markii Saldhigaas lagu xiray Askari Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay Gudaha Magalada Baladweyne.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment