450 Views

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaska wargeeska dalka, dowladuna ay u aqoonsatay maalinta saxaafadda Soomaaliya, aawadeed dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.

Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay burburkii guud ahaan ku dhacay dalka, raadadkii uu ku reebay bulshada iyo saameynta uu ku yeeshay qeybaha saxaafadda ee Soomaaliya.

Cabdilaahi Xayir Ducaale waxa uu ku baaqay in qeybaha warbaahinta ay dadka u gudbiyaan barnaamijyo nabadeed iyo kuwo wax u taraya bulshada, isla markaana laga fogaado wixii dhaawacaya dhismaha iyo nabadda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale , waxa uu xusay in dalka uu xilligaan ku jiro xaalad  soo kabasho ah, isla markaana ay haatan socdaan dib u dhis iyo horumar baaxad leh, sidaa daraadeed,waxa uu ka codsaday qeybaha warbaahinta in dalka ay ugu adeegaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dadka iyo dalka.

Gabagabadii  Agaasimaha Guud, waxa uu u rajeeyay shaqaalaha warbaahinta dalka,gaar ahaan wasaaradda warfaafinta in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post