879 Views

Golaha ammaanka oo si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Maraykanka shaaciyay

Golaha ammaanka oo  si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Maraykanka shaaciyay
____________________________________________________________________________

.

..

February  27 /2/ 2021

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo taageeray Goaankii maraykanka maalmo ka hor Xayiraada ku saaray sadax Xubnood oo shabaab ah oo uu ku jiro Madaxa amniyaadka mahad karataay.

Xubnaha lagu daray liiska argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka Hogaamiyaha Al-Shabaab, Macalin Ayman iyo Mahad Karatay oo ah Madaxa amniyaadka shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa dhigeeda Mareykanka ayaa arrintan ka dalbatay golaha amaanka ee QM.

about:blank Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka.

Erica Barks-Ruggles  oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale maalmo ka hor ayay ahayd markii Maraykanka uu Xayiraadaan ku soo rogay Sadax ka mid ah mas’uuliyiinta shabaab oo uu ku jiro Madaxa amniyaadka Mahad karataay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post