738 Views

Qoor-Qoor & Madoobe oo wadahadal ka yeeshay Xaaladda Dalka.

Qoor-Qoor & Madoobe oo wadahadal ka yeeshay Xaaladda Dalka.
____________________________________________________________________________




Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay Dhiggiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa ay diiradda ku saareen wadatashiga iyo xaaladda siyaasadda ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa tagay hoyga Qoor-Qoor, isu imaatin kadib waxa ay guda galeen ujeedka socdaalka Madoobe ee Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay si gaar ah u dul istaageen Wadatashiga u socda oo aan looga sheekeen halka xaalku marayo.

Ilo katirsan labada Madaxtooyo Dowlad Goboleed ayaa Mustaqbal u sheegay in kulankaan xalay ka dhacay Muqdisho ku falanqeeyeen Madax Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland doorka ay ka qaadan karaan halka soo socdo oo ah Doorashada Dalka.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay joogteeyay kulamo siyaasadeedka dhexdooda, dhanba dhanka kale ayuu ugu tagayaa hoygiisa, halka mararka qaar dhowr madaxweyne Goboleed ay u tagaan mas’uul kale.

Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa arrintaan ku tilmaamay madadaalin siyaasadeed, maadaama wadatashiga xooggiisa laga doonayo in ay gelinayaan Shirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo cinwaan furan balse aan soo xirmin noqday.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxa ay Muqdisho ku sugan yihiin 16-cishe, halka Axmed Qoor-Qoor, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen todobaad joogaan ay Caasimadda.

Marka laga reebo in saddexdii cishe ee lasoo dhaafay oo ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo, kulamo soo dhaweyn, is arag ahaa oo ay ku yeesheen Muqdisho, qaabilidda Xisbiyada mucaaradka iyo dhexdooda, ilaa haatan lama soo bandhigin natiijo ay ka gaareen wadatashigooda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post