1437 Views

ku dhawaad 80 Arday oo laga Afduubtay Magaalada Bamenda

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 6, 2018, 2018 ukuumadda Cameroon ayaa billowday hawlgal ballaaran oo ay ku baadi goobeyso 79 caruur ah oo laga Afduubtay iskuul ku yaal qeyb ka mid ah dalkaasi.

Rag hubeysan ayaa carruurtan ka qafaashay iskuulkan oo ku yaal Magaalada Bamenda ee woqooyi galbeed dalkaasi.

Ardayda badbaaday ayaa ka hadlay qaabka ay kooxda afduubka gaysatay u baareen iskuulka oo ay u xusheen ilmaha ay qafaasheen.

Dowladda Cameroon ayaa afduubkaasi ku eedaysay jabhad doonaysa in gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi uu ka go’ dalka intiisa kale.

Jabhadda ayaa beenisay inay afduubka geysatay.

Baraha Bulshada ee Cameroon ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal la rumaysan yahay in mid ka mid ah afduubayaasha uu ka duubay carruurta.

Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sanadkan sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaanb gobolkaasi, oo shacabkiisa ay ku eedeeyaan dowladda inay si xun ula dhaqanto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment