450 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulamo ka bilaabay magaalada Garowe.

Madaxweyne  Xasan Shiikh oo kulamo ka bilaabay magaalada Garowe.
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 25, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu horkacayo ayaa goordhaw gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda  Maamulka Puntland.

Waftiga Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni kuxigeenkiisa iyo Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland.

Madaxweynaha oo safarkiisa laba cisho qaadano doono ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxda Maamulka Puntland,  qeybaha kala duwan ee Bulshada sida isimada.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Xasan Shiikh ku tago Garoowe sidii loogu doortay Madaxweynaha 15 bishii May ee sannadkan,  hore waxaa u gaarey Dhuusamareeb,  Baydhabo. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post