1194 Views

Xiisad saaka ka taagan Degmada Buulo-Burde

Xiisad saaka ka taagan Degmada Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, -2019 —Xiisadaan ka taagan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeysay,kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmadaas iyo duqa Magalada.

 

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Buulo-Burde Cabdi Casiis Duurooy ayaa sheegay in weli aysan soo gaarin warqada xilka looga qaaday,sidaas dareedna uu yahay guddoomiyaha degmada Buul-Burde.

 

 

 

Xiisada ka taagan degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay u dhaxeysaa Guddoomiyaha xilka laga qaaday iyo guddoomiyaha sida KMG ah xilkaasi loogu Magacaabey ahna Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda degmada Liibaan Cabdi  Burisoow.

 

Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Cabdi Casiis Duurooy ayaa lagu soo waramayaa in uu saakay tegay xafiiskiisa,isla markaana Shaqadiisa uu iska wato,hayeeshee dhinaca kale kuxigeenkiisa Maaliyadda ee sida KMG ah xilka loogu dhiibay uu isagana uu bilaabay in uu qabto Shaqooyinkii Guddoomiyaha degmada,hayeeshee taasi uu ka horyimid guddoomiye Cabdi Casiis Duuroow.

 

Wariyeyaal ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay soo sheegayaan in dhinaca kale duqii magaalada ee xilka laga qaaday uu saaka  Ciidamo la tegay xafiiskiisa,isla markaana si caadi ah uu u wato shaqadii xafiiska.

 

Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin  xiisadaan ka taagan degmada buulo-Burde ee ka dhalatay xilka qaadista mas’uuliyiinta,waxana tan mid lamid ah ay horay uga dhacday gobolka Hiiraan,kadib markii xilka qaadis lagu sameeyey uu diiday Guddoomiyhii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) wallow markii dambe la xaliyey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment