843 Views

Amiirka Cusub ee dalka Kuwait oo la dhaariyay

Amiirka Cusub ee dalka Kuwait oo la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Fadhi ay maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuusanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday.

Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka dhintay ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka, sidoo kalena uu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday.

Hawsha ugu horraysa shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post