894 Views

Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar,kaas oo uu shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Dardar galinta Aminiga Magaalada Nadafada iyo kordhinta dakhliga,iyo sidii Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir u fulin lahaayeen amarkii u saabsanaa in wadooyinka laga aruuriyo Xoolaha.

 

 

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo akhriyey qodobadii kasoo baxay Shirkaas ayaa sheegay in sidoo kale guddoomiyeyaasha la amaray inay wax ka qabtaan dadka Guryaha ka dhisanaya wadooyinka dhexdooda,isla markaana ay sameeyaan howlgallo burburin ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment