834 Views

Mauuliyiinta Lubnaan oo iska fogaynaya carada ka dhalatay qarixii caasimada Gil-gilay.

Mauuliyiinta Lubnaan oo iska fogaynaya carada ka dhalatay qarixii caasimada Gil-gilay.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-WBaaritaan ay dawladu hogaamiso ayaa ka socda Lubnaan si loo baaro sababta qaraxii weynaa ee ku dumay caasimada dalkaasi ee  Beirut.

Xukuumadda ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in kuwa mas’uulka ka ah dhowrista iyo keydinta dekeda Beirut  ee xudunta u ah qaraxa  in ay sida ugu dhaqsaha badan loo soo qaban doono, “kadib masiibadaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 135 halka 5,000 ay ku dhaawacmeen ee ka dhacday dalkaasi.

Khasaaraha ka dhashay qaraxan, oo ay mas’uuliyiintu la xiriiriyeen illaa 2,750 tan oo amooniyam ah oo lagu keydiyey dekedda, ayaa laga yaabaa in ay ku kacayso illaa $ 15Bilyan, ayuu yiri Guddoomiyaha Beirut Marwan About.

Khasaaraha iyo burburka ayaa isu rogtay caro kale kadib helay muuqaallo sheegaya in saraakiishii ogaadeen in Kiimiko aad u kacsan lagu dejiyay dekada Beirut.

Macluumaad aan si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegay in magaaladda Dekada leh ee wadanka laga soo dejiyay Kiimiko kacsan kuna dhaweed in ay qaraxdo taas oo lagu kaydiyay baqaar ku yaalla agagaarka dekada Caasimada.

Wasiirka Hawlaha Guud dalkaasi Michel Najjar ayaa u sheegay Al Jazeera in uu kaliya ogyahay jiritaanka walxaha qarxa ee laga dejiyay dekada Beirut 11 maalmood ka hor qaraxa, isaga oo ku gudbiyay warbixin uu siiyay Golaha Sare ee difaaca dalka. Wuxuu shaqada la wareegay lix bilood ka hor Wasiirkaan.

“Ma jiro wasiir yaqaanna waxa ku jira Kunteenarada, mana aha shaqadayda inaan ogaado,” ayuu yiri Najjar.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dabagal ku sameeyay arrinta, laakiin dabayaaqadii bishii Luulyo, dowladda Lubnaan ayaa soo rogtay xabbad-joojin cusub iyada oo si dhakhso ah u kordheen kiisaska cusub ee COVID-19. Ugu dambeyntiina Najjar oo lahadlay maareeyaha dekada, Hasan Koraytem, Isniintii.

Waxa uu u sheegay in uu waydiiyay in uu u soo diro dhammaan dukumiintiyada ay quseyso waxa ku kaydsan Kunteenarada, si “uu ugu eego arrintan.”

Codsigaasi oo soo daahay. Maalintii xigtay, wax yar kadib markay ahayd 6 pm (15:00 GMT), bakhaaro ku yaalay dekedda way qarxeen, dekeddiina isla markiiba waa ay burburtay qaybo badan oo ka mid ah Beirut.

Najjar waxa uu sheegay in Arbacadii wasaaradiisu ay ugu yaraan 18 qoraal u dirtay garsooraha arrimaha degdega ah ee Beirut tan iyo 2014, isaga oo codsaday in banaanka loo saaro kiimikada kaydsan. Najjar waxa uu diiday in uu siiyo dukumiintiyada Al Jazeera, isagoo xusay in baaritaan joogto ah lagu sameynayo sababta qaraxa.

“Wasiirka waxba ma uusan qaban waa been abuur,” ayuu yiri.

Laakiin Nizar Saghieh, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha sharciga isla markaana ah aasaasaha NGO Legal Agenda, ayaa yiri “mas’uuliyada sharciga koowaad ee halkan waxaa saarantahay kuwa loo xilsaaray kormeerida dekada – maamulka dekada iyo wasaarada howlaha guud, iyo sidoo kale Kastanka Lubnaan.”

“Xaqiiqdii maahan garsooruhu in la helo meel aamin ah oo lagu keydiyo alaabtan,” ayuu u sheegay Al Jazeera.

Dad badan oo reer Lubnaan oo careysan ayaa doonaya in lala xisaabtamo iyo jawaabahooda sida ay tahay iyo sababta 2,750 tan oo shey aad u badan oo walxaha qarxa ah lagu keydiyey meel u dhow deegaanka Beirut in ka badan lix sano.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post