948 Views

Qarax lala beegsaday madaxa hay’adda sirdoonka milateriga dalkaas uu booqasho ku joogo Kabul

Qarax lala beegsaday madaxa hay’adda sirdoonka milateriga dalkaas uu booqasho ku joogo Kabul
____________________________________________________________________________


Aaxad: September 5, 2021

Saraakiisha ku sugan Koonfur Galbeed dalka Pakistan waxay sheegeen in saddex kamid ah ciidamada amniga la dilay halka tiro kalena ay dhaawacmeen kadib markii la beegsaday weerar ismiidaamin ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegayaa in mooto laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday gaari ay leedahay dowladda oo saarnaayeen ciidamo xilli ay marayeen baro kantarool oo ku taalla magaalada Mastung ee dhacda gobolka Balochistan.

Saraakiisha Pakistan waxay sheegeen inay baarayaan cidda ka dambeysay weerarka.

Weriyeyaasha ayaa ku soo warramayaa in bilooyinkii lasoo dhaafay ay gobolka Balochistan kusoo bateen weerarada lala bartilmaameedsanayo laamaha amniga iyo shacabka.

Kooxo kala duwan ayaa ku lug leh qalalaasaha ka dhaca gobolka Balochistan oo ay kamid tahay koox kasoo horjeedo saameynta dhaqaale ee Shiinaha ee aggaas.

Dhanka kale, madaxa hay’adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

Ila wareedyo ku sugan waddanka Pakistan ayaa sheegaya inuu jaranaalku halkaas u tagay inuu Taalibaan kala xaajoodo ammaanka iyo maamulka xadka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post