1137 Views

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Camaara

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Camaara
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo ay Hogaaminayaan Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje” iyo Saraakiil kale ayaa Howlgal Qorsheysan Ku Gaaray degaanka Camaara ee Gobolka Mudug Halkaa oo ka Mid ah Goobaha ay sida Cabsida ah Ku Joogeen Al-Shabaab.

 

Socdaalkan oo qayb ka ahaa qorshaha amni xaqiijinta ayay saraakiishu Kula kulmeen Shacabka deegaanka gaar ahaan waxgaradka kuwaa oo si sare ugu riyaaqay tilaabadan ciidamada dowladu Ku gaareen camaara maadaama deegaankaasi aysan horay ugu sugneyn Ciidamada Dowladda .

 

 

 

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen: “Qooje” oo la hadley Shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshuhuna Yahay in la gaaro dhamaanba Deeganada kale ee aan xorta aheyn , dadwaynaha ayuu taliyuhu ugu baaqay in ay ciidamada Ku garab siiyaan howshan .

 

Gaadiidka Dagaalka ee Xoogga Dalka ayaa si Rasmi ah ugu Sugan Wadooyinka Camaara, waxaana ay sheegeen in ay kusii jeeddaan degmada Xaradheere oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment