771 Views

Warsaxafaadeed ka soo baxay rooble oo lagu sheegay in Hay’adaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda

Warsaxafaadeed ka soo baxay  rooble oo  lagu sheegay in Hay’adaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda
____________________________________________________________________________


Axad: August 8 2021

Warsaxafaadeed ka soo baxay raysal wasaare rooble ayaa lagu sheegay in Haayadaha dawladdu ay sii wadaan shaqadooda.

warsaxafadeedka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay hadal sidan u dhignaa:

“Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xeer madaxweyne ku hakinayay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda digreetadaasi ku sheegay in uu ku tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.

“Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Labadan wareegtio ee kala duwan ayaa u muuqda khilaaf hor leh oo ka dhex bilaabmay raysalwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post