2130 Views

Maxkamadda Gobolka Nugaal oo dil ku xukuntay rag loo heystay kufsigii iyo dilkii Caaisha Ilyaas

Maxkamadda Gobolka Nugaal oo dil ku xukuntay rag loo heystay kufsigii iyo dilkii Caaisha Ilyaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Maxkamadda Darajarada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta soo gabagabeysay kiiskii kufsiga iyo dilkii ka dhacay bishii February ee sanadkan Gaalkacyo ee loo geystay Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah.

 

Illaa 10 eedeysane oo loo heystaan falkaas ayaa muddo labo jeer la soo taagay Maxkamadda, iyadoo ugu dambeyn maanta ay Maxkamaddu riday xukun.

 

Saddex eedeysane oo labo ka mid ah ay walaalo yihiin ayay Maxkamadda ku riday dil toogasho ah, halka 7 kalena la sii daayay.

 

Eedeysanayaasha xukunka dilka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige.

 

Dhacdadii bishii February ee sanadkan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa aheyd mid naxdin ah oo dad badan oo Soomaaliyeed walaac ka muujiyeen dilka iyo kufsiga loo geystay gabadha 12-jirka aheyd ee lagu magacaabayay Caaisha Ilyaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment