1095 Views

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo  cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza iyo ‘weerarka ay Israa’iil ku qaaday’ dad ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa.

Muusa Faki Mahamat wuxuu sheegay in howlagallada ciidamada Israa’iil iyo in dadka Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro guryahooda ay kasoo horjeeddo xeerarka caalamiga.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareynayaa duqeymaha laga geystay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof oo Falastiini ah iyo weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa oo ay ku dhaawacmeen dad gaarayo 300 xilliga bisha Ramadaan” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Xamaas ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacday Tel Aviv iyo hareeraheeda si ay uga jawaab celiso “bartilmaameedsigii cadowga”

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post