3261 Views

Ciidanka 14-Oct oo gaaray Basra

Ciidanka 14-Oct oo gaaray Basra
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 16, 2018 – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degaanka Basra ee ku yaalla duleedka degmada Balcad.

Ciidamadan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay ka baxeen xerada General Gordan oo ku taalla magaalada Muqdisho, waxayna ku biireen ciidanka dowladda ee hawlgalka ka wada halkaasi.

Ciidamadan ayaa qorshaha wuxuu ahaa inay baxaan habeen hore saq dhexe, balse waxay u baaqdeen Hub AMISOM la weydiiyay oo ay diiday inay bixiso Sahnada Millatari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegeen in ciidamadan tiradooda ay kor u dhaafeyso Saddex boqol oo askari, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka 14-ka October.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa degaanada duleedka ka ah degmada Balcad, maadaama halkaasi ay dhawr mar ka dhaceen weeraro qorsheysan oo ay geysteen Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay inaga soo gaaraya degaanka Basra ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay bilaabeen hawlgalka lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab.

Maalin kahor degaanka Basra waxaa ka dhacay hawlgal ay fuliyeen ciidamo is-garabsanayay, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment