150 Views

Midowga Yurub oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya

Midowga Yurub oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya
____________________________________________________________________________

BRUSSELS — 

Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku adkeystay in la ixtiraamo madax-banaaniada Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay is-afgarad muran dhaliyey la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka, oo ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho isticmaalka Dekedda Berbera ee Badda Cas iyo saldhig milatari oo ay kiraystaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo war -saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Somaliland ay Itoobiya ka kiranayso marin-badeed 20km ah muddo 50 sano ah, taas beddelkeedana ay Itoobiya rasmi ahaan u aqoonsanayso Somaliland.

Midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay “jeclaan lahaayeen in ay xusuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay.”

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan,” ayaa lagu yiri bayaanka afhayeenka Midowga Yurub.
Soomaaliya ayaa Talaadadii wacad ku martay inay difaaci doonto dhulkeeda, ayada oo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaamtay “daan-daansi.”

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay u yeeratay safiirkeeda Itoobiya, waxayna soo saartay codsi ay beesha caalamka uga dalbaneyso inay ku garab istaagaan “weerarkan cad” ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda.

Somaliland ayaa 1991-kii sheegatay inay ka go’day Soomaaliya, oo ay tahay dal madax-banaan, balse weli kuma guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah.

____________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post