3357 Views

Cali Gaab oo soo qabtay laba qofood oo qatar ku eheyd Bulshada Moqdisho

Cali Gaab oo soo qabtay laba qofood oo qatar ku eheyd Bulshada Moqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 25, 2016Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa maanta Saxaafadda u soo bandhigay Labo nin oo dhalinyaro ah oo si xeeladeysan dadka dhac ugu geysan jiray Magaalada Muqdisho.

Raggaan ayaa laga soo qabtay Degmada Heliwaa, waxaana Saxaafadda loo soo bandhigay Moobeelo badan oo dadka ay ka dhici jireen.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay ciidamada Saldhiga Degmada Heliwaa inay ku guuleysteen soo qabashada raggaan.

Wuxuu sheegay in raggaan iyaga oo wata gaari yar Moobeelada ay ka dafi jireen dhalinyarada yar yar iyo dadka Suuqa adeega ka doonta, kadibna ay iibsan jiraan.

Ciidamada Booliska Saldhiga Heliwaa ayuu sheegay muddo inay ku daba jiraan Raggan kadibna ay gacanta ku soo dhigeen.

“Niman Xaragoonaayo oo Si fiican u soo labistay oo baabuur wata oo Qof Somali ah oo adeegaanayo oo Moobeelka uu wataba ka qaadanaayo ama arday masaakiin ah oo Iskuul u socday ama Jaamacad u socday waad garan kartaan dhibaatada ay ku yihiin nimankaan ammaanka Magaalada, sidaan ninkii bartaa inuu ku noolaado aaqirka Qori ayuu qaadanayaa.” Ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Taliyaha ayaa sheegay qalabka raggaasi lagu soo qabtay in la geyn doono maxkamad oo la xukumi doono, iyagana loo gudbin doono Xabsiga Dhexe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment