267 Views

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan “ Hadii Alle idmo, inta qof Shabaab ah uu nool yahay anigu ma dhima doono insha allah,

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan “ Hadii Alle idmo, inta qof Shabaab ah uu nool yahay anigu ma dhima doono insha allah,
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo safar ku tegay deegaanka Tardo ee koonfurta gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa dowlad goboleedyada weydiiyey su’aal ah “War ma Shabaab-kaa iska iimaansateen.”

Cali Jeyte ayaa sheegay in ilaahey uu ka rajeynayo in uusan dhiman inta uu nool yahay qof Shabaab ah, isagoo sheegay in degmada Matabaan ee waqooyiga Hiiraan uu ka soo bilaabay dagaal, isla markaana uu marsiinayo Tardo oo hoos tagta Jalalaqsi oo dhacda koonfurta Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dowlad goboleedyada badankood ay ku fiirsadeen dagaalka, “Adeer derbigaan ku geynay A-Shabaab, intii nagu fiirsatay, markooda ayaan ku fiirsa doonaa, sidaa noo tihiin ayaan idiin nahay maanta kadib,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in dhulka HirShabeelle intiisa badan ay ka xoreeyeen Al-Shabaab, “Waligey arrimo dowlad goboleed kama hadlin, laakiin maanta waxaan leeyahay war Shabaab-ka miyaad iska iimaansateen?” ayuu yiri.

Cali Jeyte oo fagaare kula hadlaayey dadka deegaanka Tardo ayaa yiri, “Hadii Alle idmo, inta qof Shabaab ah uu nool yahay anigu ma dhima doono insha allah, Shabaab waan ka sheekeynayaa insha allah, cadaaladda ilaahey waa weyn tahay, cadowga in lagu dhiirado ayaan rabaa.”

Wuxuu guddoomiye Cali Jeyte intaas ku sii daray, “Dhulka HirShabeelle kaliya ayuu dagaalku ka socdaa ee maxay noogu daawanayaan

gobollada kale, waan u mahad celinayaa dowlad deegaanka, laakiin gobollada kale ma heyno, ciidanka xoogga dalka ayaan sidoo kale u mahad celinayaa oo guulahaan nagu garab istaagay, maamullada kale waxaba ka sheegi meyno, laakiin sida ay noo yihiin ayaan u nahay.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post