900 Views

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashada

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 13 2020–Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Mogdishu kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan, Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii Xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahayeen Shahadada radmiga ah.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka shakaysay sida ay ugu dadaaleen in la helo Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee la xariirta doorashada iyadoo hay’adaha ku shaqada leh aan kaga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuruucdaas.
Sidoo kale Gudoomiye Xaliima ayaa ka codsatay in Xsbiyadu ay dhankooda muujiyaan isku duubni ku aadan in dalkaanu uu ka baxo doorashooyinka dadban, iyadoo sidoo kale ka dhawaajisay in Soomaaliya ay 50 sano ka hor ay ka dhacday doorasho qof iyo cod ah iyadoo intaan ka qibrad yar.
Diwaangaliyaha Xisbiyada Maxamed Cumar Axmed Haydara aya isagana la wadaagay Xisbiyadii kasoo qaybgalay kulanka halka ay marayaan hawlaha xafiiska ee ku aaddan Xisbiyada dalka.
Ugu danbayn Xisbiyada ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aala waydiiyay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyadoo Komishineerada Guddiga ay kaga jawaabeen su’aalaihii la waydiyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post